Kooxda xagjirka ah ee Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK) ayaa Sabtida maanta ah ku dhawaaqday xabbad-joojin degdeg ah, sida ay warisay warbaahin ku dhow kooxda. Tani ayaa ka dhigan in ay kooxdu qaadatay hadalkii ahaa in ay hubka dhigto ee ka soo baxay hoggaamiyaha xiran Cabbdullah Ocalan, islamarkaana ah tallaabo weyn oo lagu soo afjarayo dagaalka 40-ka sano ah ee ka dhanka ah dawladda Turkiga.
Ocalan ayaa Khamiistii ugu baaqay PKK in ay hubka dhigto lana kala diro, tallaabadaasi oo xukuumadda Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo xisbiga mucaaradka ah ee taageersan Kurdiyiinta DEM ay ka dhawaajiyeen in ay soo dhoweynayaan.
Haddii lagu guuleysto, tallaabadani waxa ay saameyn ballaaran ku yeelan kartaa gobolka, iyadoo la soo afjarayo colaad ay ku dhinteen in ka badan 40,000 oo qof tan iyo markii PKK oo hadda fadhigeedu yahay buuraha waqooyiga Ciraaq ay bilowday kacdoonkeeda hubaysan 1984-kii.
Waxa ay Erdogan siin kartaa kor u kac awooddiisa gudaha iyo fursad taariikhi ah oo uu nabad iyo horumar ku soo dabaalo koonfurta bari Turkiga halkaasi oo iska-horimaadyadu ay ku dileen kumanaan islamarkaana uu dhaqaalaha waxyeeleyn ba’an u geystay.
Kooxdu waxa ay sheegtay in ay rajaynayso in Ankara ay siiso Ocalan oo ku jiray xabsi go’doon ah tan iyo 1999-kii xorriyado dheeri ah si uu u hoggaamiyo hannaanka hub ka dhigista, iyagoo intaa ku daray in loo baahan yahay in la dejiyo xaalado siyaasadeed iyo kuwa dimoqraadiyadeed oo lagama maarmaan u ah in uu hannaankani guuleysto.
“Anaga, PKK ahaan, waxaan si buuxda ugu raacsanahay nuxurka baaqa, waxaanan dhinaceenna caddeyneynaa in aan u hoggaansami doono waxyaabaha lagama maarmaanka u ah baaqa oo aan fulin doono,” ayay kooxdu ku tiri hadal ay soo saartay, sida ay Reuters ka soo xigatay wakaalada wararka ee Firat.
“Taas marka laga soo tago, arrimaha ay ka midka yihiin in hubka dhigista la hergeliyo waxaa lagu xaqiijin karaa oo keliya hoggaanka dhabta ah ee Hogaamiye Apo,” ayay kooxdu tiri, iyaga oo adeegsanaya naanaysta Ocalan, waxaana ay intaa ku dareen in ay si degdeg ah u joojin doonaan dhammaan colaadaha haddii aan la soo weerarin.
PKK, oo Turkiga iyo xulafadiisa reer galbeedka ay u aqqoonsadeen koox argagixiso, ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay qabtaan shirweyne, sida uu Ocalan ku baaqay, laakiin waa in la dejiyaa xaaladaha ammaan ee lagama maarmaanka ah si uu “shakhsi ahaan isagu u agaasimo una maamulo”.
Si geeddi-socodku uu u horumaro, PKK waxa ay sheegtay in Ocalan la siiyo "xorriyad, uu helo xaalad nololeed iyo mid shaqqo, xiriir la sameysto qof kasta oo uu doonayo, oo ay ku jiraan saaxiibadiis, iyadoo uusan la kulmin wax caqabado ah.”
Ma cadda in Ankara ay arrimahan wax ka qaban doonto. Wasiirka caddaaladda Yilmaz Tunc ayaa u sheegay TV-ga CNN Turk Jimcihii in aan laga hadlin cafis, xabsi guri ama khiyaaro kale, isla markaana aysan jirin wax wada-xaajood ah.
Baaqa Ocalan ayaa waxaa soo dhoweeyay Mareykanka, Midowga Yurub iyo xulafada kale ee reer galbeedka, iyo sidoo kale dalalka deriska la ah Turkiga ee Ciraaq iyo Iran.
Turkiga ayaa isku dayay in uu ka faa’ideysto isbedellada juqraafiga siyaasadeed ee gobolka ka dib markii la riday Bashaar Al-Asad-kii Suuriya ka dib 11 sano oo dagaal sokeeye ah, iyadoo Ankara ay taageereysay fallaagada xukunka ka tuurtay.
REUTERS