Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa soo saartay maanta farriimo digniin ah oo dadka lagu wargelinayo inay ka fogaadaan aagagga ay ka dhow yihiin kooxda Al-Shabaab, halkaasoo ay weerar cirka iyo dhulka ah ku qaadi doonaan, sida ay sheegtay dowladdu.
Waxay kaloo sheegtay dowladdu inay tallaabo ka qaadi doonto dadka u isticmaala baraha bulshada wararka been abuurka ah iyo kuwa la macaamila kooxaha argagixisada.
Warbixin ku saabsan arrinkaasi waxaa noo haya Cabdulqaadir Maxamed Mursal.
Your browser doesn’t support HTML5
Dowladda Federaalka oo soo saartay digniino ku socda shacabka