Abaal-marin sanadeed lagu xusayo Hodan Naaleeye oo la billaabay

Hodan Naaleeye

Waxaa magaalada Vaughan ee gobolka Ontario ee dalka Canada laga billaabay abaalmarin sanadeed lagu xasuusanayo waxqabadkii Allah ha u naxariistee Hodan Axmed Saciid Naaleeye oo 2019-kii lagu dilay magaalada Kismaayo.

Hodan oo aheyd wariye Somali-Canadian ah oo deggen dalka Canada, ayaa markii dambe go'aansatay inay u guurto Soomaaliya, si ay uga qeyb qaadato horumarrada kala duwan ee ka socda dalka.

Sanadkii 2021-kii, dugsiga sare ee Vaughan ayaa magaca laga baddelay, kaasoo loo bixiyay Hodan Nalayeh Secondary School.

Abaalmarinta sanadlaha ah ayaa waxaa iska kaashanaya qoyska Hodan, maamulka dugsiga sare ee Hodan Naaleeye iyo ururrada madowga iyo kan muslimiinta ee magaalada Vaughan.

Haddaba wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa abaalmarinta iyo cidda ku guuleysatay sanadkan ka wareystay, Sahra Axmed Saciid Naaleeye oo la dhalatay Allah ha u naxariistee Hodan Naaleeye.

Your browser doesn’t support HTML5

Abaal-marin sanadeed lagu xusayo Hodan Naaleeye oo la billaabay