Abiy oo ku celiyey in ay ka go'an tahay inay bad helaan

Abiy Ahmed

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, oo maanta oo Khamiis ah la hadlayay baarlamaanka dalkaas, ayaa sheegay in Ethiopia aysan ku dooneyn helista galaanka Badda Cas ah xoog iyo weerar, balse ay is-difaaci doonto, sida uu hadalka u dhigay, haddii weerar arrintan la xiriira lagu soo qaado.

Bishii Janaayo, ee bilowgii sanadkan ayaa Ethiopia waxay heshiis la gashay maamulka Somaliland, kaasi oo ka kireynaya Ethiopia 20km oo dhul xeebeedkeeda badda cas ah muddo 50 sano ah, taa bedelkeedana ay Somaliland Ethiopia ka helyso aqoonsi.

Abiy Ahmed ayaa helista heshiiskan ku tilmaamay mid “horumarineed,” ah oo ku salaysan baahida uu ay Ethiopia u qabto marin badeedka.

“Waxaan dalbanay in badda gaarno, taasina kuma raadin doonno weerar iyo dagaal, laakiin si hufan ayaan isaga difaaci doonnaa haddii ay wax dhacaan,” ayuu yiri Abi Axmed.

Abi Axmed waxa uu sheegay inuu ku rajo weyn yahay in himilladaasi ay Ethiopia gaarto, haddii hadda aanay gaarinna, buu yiri, ay caruurtoodu gaari doonto.

Heshiiskaasi waxa uu ka careysiiyay dowladda Soomaaliya oo ku tilmaantay mid sharci darro ah, oo meel ka dhacna ku ah qarannimadeeda iyo madax banaanideeda dhuleed.

Waxay erisay safiirkii Itoobiya bishii April, Talaadadiina waxay ku amartay Ali Mohamed Adan, oo ka tirsanaa qunsuliyadda Ethiopia ee Muqdisho inuu dalka ka baxo.

Soomaaliya waxaa kale oo ay horey u sheegtay in ciidamada Ethiopia aysan qeyb ka noqon doonin howlgalka cusub ee nabad Ilaalinta Midowga Africa ee bedelaya ATMIS.