Inka badan 20 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab ayaa lagu dilay 'hawlgal qorsheysnaa' oo ka dhacay deegaanka Beledul Amiin ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida uu xaqiijiyay wasiirka warfaafinta dowladda federaalka.
Daa'uud Aweys oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in 'howlgalkan lagu beegsanayay maleeshiyaad Khawaarijta ah' kuwaas oo uu ku sheegay inay si qarsoodi ah isugu aruursaneen beer ku taala deegaankaas.
Waxa uu sheegay in hawlgalkan ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa saaxiibada caalamka.
Wasiirka warfaafinta ayaa intaas ku daray in wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka maleeshiyada Al-shabaab uu dhawaan billaaban doono, isaga oo intaas ku daray in ciidamo ka socda waddamada deriska ah ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad.
Warbixintan waxaa soo dirtay Seynab Abuukar.
Your browser doesn’t support HTML5