Amiirka Qatar: Waxa gobolka ka socda waa ‘xasuuq wadareed’

Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani

Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa Khamiista maanta sheegay in xasaradda Bariga Dhexe ay tahay “xasuuq wadareed”, islamarkaana dalkiisu uu mar walba ka digay “la-xisaabtan la’aanta Israel”.

"Si waadax ah ayey u caddahay in waxa dhacaya ay yihiin xasuuq, marka laga soo tago in Marinka Gaza laga dhigay meel aan ku habboonayn in bani’aadamku ku noolaado, iyo in loo diyaariyey barakac," ayuu yiri intii lagu guda jiray Shir Madaxeedka Iskaashiga Wada-hadallada Aasiya ee Doha.

Amiirka Qatar ayaa sidoo kale cambaareeyay duqeymaha cirka ah ee Israel iyo howlgallada militari ee “ka dhanka ah Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Lubnaan”.

Israel ayaa si adag u diida eedaymaha ah in ay xasuuq ka gaysaneyso Gaza, halkaas oo ay weerar ku qaaday sanad ka hor ka dib markii dagaal-yahannada Xamaas ay weerareen magaalooyinka koonfurta Israel, kuna dileen 1,200 oo qof, islamarkaana ku qafaasheen in ka badan 250 la-hayste.

In ka badan 41,500 oo reer Gaza ah ayaa lagu dilay weerarka Israel, sida laga soo xigtay maamulka caafimaadka Gaza.

Toddobaadkan, Israel waxay gudaha Lubnaan ka bilowday duullaan dhanka dhulka ah oo ka dhan ah dhaq-dhaqaaqa Xizbullah ee ay Iran taageerto, kuwaas oo muddo gantaallo ku ridayey Israel, ayaga oo ku tilmaamay inay ku garab taagan yihiin Falastiiniyiinta.

Reuters