Amniga xuduudda Soomaaliya, Kenya iyo Ethiopia oo laga shirayo

KENYA-DAILYLIFE/

Shacabka ku nool deegaanada kulaala xuduudaha Soomaaliya, Kenya iyo Ethiopia ayaa magaalada Wajeer ee dalka Kenya kaga arrinsanayo sugidda ammaanka degaanadooda.

Kulankan ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaraya la-dagalanka ururka Al-Shabaab iyo colaadda u dhexeysa qabiillada reer guuraaga ah.

Arrintan ayaa imanaysa iyadoo dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Ethiopia ay billowgii sanadkaan heshiis daris wanaag ah ku gaareen magaalada Mandera.

Warbixintan waxaa soo diray Maxamed Faarax Shire.

Your browser doesn’t support HTML5

Amniga xuduudda Soomaaliya, Kenya iyo Ethiopia oo laga shirayo