Askar ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu dilay qarax miino

Ugu yaraan shan askari ayaa lagu dilay seddex kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari ay la socdeen ay miino kula qaraxday duleedka degmada Mahadday ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida uu VOA u xaqiijiyay guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Shabeellaha Dhexe Maxamuud Cilmi Raage.

Gaariga miinadu la qaraxday ayaa ka mid ahaa kolonyo gaadiid ah oo gelbineysay raashin ay hay’adda Maareynta Masiibooyinka ugu qoondeysay degmada Mahaday ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidamada dowlada ayaa baaritaan ka sameeyay deegaanka uu qaraxu ka dhacay.

Qaraxan ayaa kusoo beegmay xilli ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay ku dhow yahiin in ay Alshabaab ka saaraan gobolka Shabellaha Dhexe .