Alle ha u naxariistee waxaa toddobadkii hore gobolka Virginia ee duleedka magaaladan Washington DC ee dalkan Mareykanka ku geeriyooday Axmed Cali Abokor oo ahaa xubin ka tirsanaa guddigii qoray Af-Soomaaliga.
Axmed Cali Abokor, waxa uu qeyb weyn ka qaatay hirgelinta Af-Soomaaliga, isaga oo ahaa bare Afka-Soomaaliga ah.
Axmed Cali waxa uu sidoo kale ka mid ahaa shaqaalihii 1974-kii lagu aas-aasay akadeemiyadii Cilmiga Fanka iyo Suugaanta, oo uu ka mid ahaa illaa ay dagaalladii sokeeye ka dhaceen 1990-kii.
Haddaba qeyb ka mid waxqabadkii iyo cashiradii uu bixin jiray marxuun Axmed Cali Abokor ayuu qoraa Axmed Faarax Cali Idaajaa warbixintan innoogu soo koobayaa.
Your browser doesn’t support HTML5
Warbixinta Idaajaa ee Axmed Cali Abokor