Kismaayo —
Baarlamaanka maamul goboleedkja Jubaland ayaa maanta oo Khamiis ah doortay hoggaankooda. Doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa xubnaha baarlamanku waxay ku doorteen guddoomiyaha baarlamanka iyo labada guddoomiye ku-xigeen.
Doorashadan ayaa ka dhigan tallaabo baarlamanka Jubaland uu qaaday ka hor doorashada madaxweynaha Jubaland oo la qorsheeyay inay dhacdo 25-ka bishan November.
Jubbaland ayaa sii wada doorashooyin ay jadwaleysatay, inkastoo dowladda dhexe ee Soomaaliya ay diidan tahay.
Wariyaha VOA-da Aaden Maxamed Salaad Aaden ayaa warbixintan ka soo diray Kismaayo.
Your browser doesn’t support HTML5