London —
Baarlamanka dalka Britain ayaa dood dheer ka dib ansixiyey Xeerka Rwanda oo dowlada u ogolaanaya in qaxoontiga kasoo gudba biyaha u dhaxeeya Britain iyo Faransiiska ay gayso Rwanda.
Qorshahan oo muran badan dhaliyey, islamarkaana Britain ay uga baxeyso boqolaal Milyan oo dollar, ayaa looga dan leeyahay in lagu yareeyo qulqulka muhaajiriinta.
Warbixin gaar ah oo arrinkan ku saabsan waxaa magaalada London inooga soo direy wariyaha VOA ee Qaarada Yurub Cabdixaafid Cawil Ismaaciil.
Your browser doesn’t support HTML5