Bandhiga Ganacsi ee Muqdisho oo furmay

Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa ka billowday Bandhig ganacsi oo socon doona muddo saddex maalin ah.

Waxyaabaha diiradda lagu saarayo madashan ayaa waxaa ka mid ah kor u qaadista wax soo saarka dalka, gaar ahaan dhinacyada beeraha, xoolaha iyo kalluunka.

Madashan ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigayaa doodo cilmi ah, waxaana ka qeyb-galaya shirkadaha dhanka ganacsiga ugu waaweyn Soomaaliya.

Haddaba, Weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow ayaa ujeeddada bandhiggan waxa uu ka wareystay Eng. Cabdisataar Carabow oo ah aas-aasaha hay'adda waddaniga ah ee Somali Trade Show, oo bandhiggaan soo qaban-qaabisay.

Your browser doesn’t support HTML5

Bandhiga Ganacsi ee Muqdisho oo furmay