Bankiga Dhexe ee Somaliland oo isku dayaya in uu xakameeyo sicir-bararka

Cali Daahir Cabdillaahi

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somaliland Cali Daahir Cabdillaahi ayaa sheegay inay wadaan tallaabooyin ay ku xakamaynayaan sare u kac ku yimid sarrifka dollar-ka oo saameyn ku yeeshay nolosha dadka iyo suuqyada ganacsiga.

Wuxuu beeniyay inay jiraan lacago cusub oo Bankiga Dhexe uu suuqyada soo galiyay, isagoo dhinaca kalena tilmaamay in kor kaca sarrifka dollar-ka oo xoogeystay intii ay xoogeyteen ololeyaasha doorashada uu hoos u dhigay shillinka Somaliland.

Wariyaha VOA-da ee Hargeysa Khadar Maxamed Cakule ayaa arrimahaas iyo kuwa kaleba ka wareystay guddoomiyaha Baanka Dhexe Cali Daahir Cabdillaahi.

Your browser doesn’t support HTML5

Bankiga Dhexe ee Somaliland oo isku dayaya in uu xakameeyo sicir-bararka