Barakacayaal Lagu Dilay Muqdisho

  • Abdulaziz Osman

Barakacayaal Lagu Dilay Muqdisho

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhintay saddex-kalana way ku dhaawmeen kaddib markii Askari ka tirsan dowladda uu rasaas ku furay goob raashin loogu loogu qeybinayay dad barakacayaal ah oo ku taala degmada Waaberi.

Sarkaal ka tirsan DKMG ayaa sheegay in falkani uusan ahayn mid ula kac ah, balse askarigaasi ay rasaastu ka fakatay xilli raashin loo qeybinayay kaam ku yaalla degmada Waberi.