Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen walaac uga muujiyey xiisadda ka dhalatay muranka ka taagan doorashooyinka Puntland.
“Saaxiibada beesha caalamka waxay ka walaacsan yihiin halista xiisadaha oo kor u kaca, oo uu ka mid yahay abaabulka ciidamada ee Garoowe ka socda. Joogitaanka ciidamadan ayaa cabsi gelinaya dadka shacabka ah, taasoo keentay in iskuullada la xiro,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saareen saaxiibada.
Qoraalka ayaa intaas ku daray “Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog. Cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal.”
Saaxiibada ayaa ugu baaqayn dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadeed.
“Saaxiibada beesha caalamku waxaa weli ka go'an inay Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ku taageeraan dhisidda aasaaska bulsho nabad iyo barwaaqo ah,” ayey yiraahdeen saaxiibada.
“Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda, waxaana ku baaqaynaa in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda iyo wadahadallo degdeg ah oo ay yeeshaan madaxda siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka.”
Qoraalka ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray: Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Netherlands, Norway, Talyaaniga, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, Qaramada Midoobay.