BFS oo tallaabo kale u qaaday doorasho qof iyo cod ah

Xildhibaanada baarlamanka

Labada Aqal ee baarlamanka Soomaaliya ayaa shalay ansixiyay hindise sharciyeedka xeerka xisbiyada iyo doorashooyinka dalka, kaasi oo ay usoo gudbiyeen golaha wasiirada.

Sharciga la ansixiyay ayaa waxba kama jiraan kasoo qaadayaa doorasho kasta oo aan waafaqsaneyn oo dalka ka dhacda.

Wuxuu imaanaya iyadoo qaar kamid ah siyaayiyiinta mucaaradka iyo maamullada Puntalnd iyo Jubaland ay saluug ka muujiyeen, habka loo marayo sharciga doorashooyinka dalka oo xildhibaannada ay sheegeen inuu afjarayo doorashada dadban.

Warbixin ku saabsan faahfaahinta xeerkaan iyo waxa uu ka dhigan yahay waxaa diyaariyay wariyaha VOA-da Cabduqlaadir Maxamed Samakaab oo ku sugan Washington.

Your browser doesn’t support HTML5

BFS oo tallaabo kale u qaaday doorasho qof iyo cod ah