Biden oo doonaya in la ansixiyo sharci gargaar lagu siinayo Israel iyo Ukraine

Biden

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Talaadadii shalay ugu baaqay shaci-dejiyeyaasha Mareykanka in ay taageeraan heshiis ay gaareen xubnaha labada xisbi ee ka tirsan Aqalka Senate-ka ee gaarayay $118 bilyan.

Lacagtan ayaa loo adeegsanayaa ilaalinta xuduudaha Mareykanka, waxaana sidoo kale qeyb ka ah gargaar la siin doono Israel iyo Ukraine. Laakiin tiro sii kordheysa oo ka tirsan Jamhuuriga ayaa sheegaya in ay qorsheynayaan in aysan taageereynin.

Weriyaha VOA ee Congaress-ka Katherine Gypson ayaa warbixintan diyaarisay, waxaana soo jeedinaya Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan.

Your browser doesn’t support HTML5

Biden oo doonaya in la ansixiyo sharci gargaar lagu siinayo Israel iyo Ukraine