Blinken iyo Xasan Sheekh oo wada-hadlay

WASHINGTON DC - Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Antony J. Blinken iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Arbacadii shalay waxay ku wadahadleen khadka isgaadhsiinta, iyadoo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanku ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Sida uu sheegay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Ned Price, labada masuul ayaa ka wadahadlay danaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Maraykanka iyo sida Soomaaliya looga taageerayo jidka ay u hayso dhinaca dimuqraadiyadda iyo xasiloonida."

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka, Ned Price oo sharraxaad ka bixinaya qodobada ay ka wadahadleen xoghayaha arrimaha debedda Maraykanka iyo madaxweynaha Soomaaliya ayaa yiri "Waxa ay ka wadahadleen muhiimadda ay leedahay dib u heshiisiin siyaasadeed, horumarinta ciidamo amni oo la wareegi kara mas’uuliyadda howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ee ATMIS, iyo dib u habeynta dhaqaalaha, ee lagama maarmaanka u ah dhameystirka waddada deyn cafinta ee Soomaaliya."

Wuxuuna Ned Price hadalkiisa sii raaciyey "Isagoo [xoghaye Blinken] xusaya go’aankii dhawaan Madaxweyne Biden uu ku sheegay in si joogto ah Soomaaliya dib loogu celiyo ciidamada Maraykanka, xoghayuhu wuxuu u gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya taageerada joogtada ah ee Maraykanka ee dadaalka ay dowladda Soomaaliya iyo ururka Midowga Afrika ugu jiraan la dagaalanka khatarta kooxaha argagixisada ah."