Burco oo Bedelaysa Shilin Soomaaliga

Burco oo Bedelaysa Shilin Soomaaliga

Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa bilowday inay iska bedesho lacagtii shilin Soomaaliga ee 50-ka iyo 100-ka.

Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah looga bilaabay bedelaadda lacagta shilin Soomaaliga ee laga isticmaalayay magaaladaasi, tan iyo intii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Soomaaliland oo ku dhowaad 20 sano ka hor ku dhowaaqday inay gooni uga go'day Soomaaliya, ayaa sameysatay lacag u gaar ah, taasoo guud ahaan deegaanada Somaliland ka bedeshay lacagtii shilin Soomaaliga.

Hase yeeshee magaalada Burco ayaa ahayd halka keliya guud ahaan laga isticmaalayay shilinkii Soomaaliga, degaanada Somaliland.

Lacag bedelaadda ayaa ka bilaabatay Bankiga Dhexe ee Soomaaliland ee magaalada Hargaysa, halkaasoo la arkayay gawaari tiro badan oo ay ku jiraan kuwa xumuulka oo ku raran lacagtaas, gaar ahan lacagta 50-ka shilin iyo 100-ka shilin.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Cabdi Dirir Cabdi, ayaa VOA u sheegay in lacag bedelku uu socon doono muddo 10 cisho ah.