Cabdi Xaashi iyo Saalax oo heshiiyey

Cabdi Xaashi iyo Saalax

War qoraal ah oo ka soo baxay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in laga heshiiyay tallaabo uu guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabullaahi dhawaan kaga xayuubiyay xubinimadiisa Golaha Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si wada jir ah heshiis uga gaareen arrinta ku saabsan go’aanka maamul ee Aqalka Golaha Sare ka soo baxay 12-kii bishan October.”

Qaar ka mid ah mudanayasha Aqalka Sare ayaa sheegay in dadaallo siyaasadeed oo labada dhinac loogu kala dabqaadayay, oo Xafiiska Madaxweynaha iyo kan Ra’iisul Wasaraaha ay qeyb ka ahaayeen, markii dambe lagu guuleystay in arrinta lagu xaliyo, Saalax-na uu sii wadanayo Xubinimadiisa Aqalka Sare.

Go’aankaasi xil ka xayuubinta ayuu Gudoomiye Cabdi Xaashi xilligaasi u cuskaday in Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac uu jabiyay shuruudaha uu uga sii mid ahaan lahaa Aqalka Sare ee barlamaanka Soomaaliya kadib markii uu soo xaadiri waaye afar kalfadhi, isagoo sheegay in Saalax Jaamac lagu beddelay Ibraahim Suleymaan Iidle, oo ahaa musharaxii xubunnimada Aqalka Sare kula tartamay Saalax.

Saalax ayaa go’aankaasi guddoomiyaha ku tilmaamay mid baalmarsan sharciga. Xil ka-qaadista Senator Saalax ayaa dood weyn oo ay ku kala qebsameen ka dhex-dhalisay xubnaha Aqalka Sare oo qaarkood ay ka soo horjeesteen habraaca loo maray.