Musharaxa xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdullaahi “Cirro” ayaa loo doortay madaxweynaha cusub ee Somaliland, sida uu sheegay guddiga doorashada.
Guddiga doorshooyinka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay natiijada ku meel-gaarka ah ee doorashooyinkii isku sidkanaa ee dhacay bishan 13-keedii, taasi oi uu ku guuleystay madaxweynenimada Somaliland ee shanta sano ee soo socta mudane Cabdiraxman Maxamed Cabdullaahi "Cirro", halka uu ku-xigeenka ku guulesystay mudane Maxamed Cali Cabdi.
Gusoomiyaha guddiga doorashooyinka Muuse Xasan Yuusuf oo ku dhawaaqay natiijada ayaa sidoo kale sheegay inay doorashada ururada ku guuleysteen Xisbiga Waddani, Xisbiga Kulmiye iyo Ururka Kaah.
Natiijadan oo ah ku meel gaar ah waxa guddigu u gudbin doonaa Maxakmadda Sare si ay rasmi ahaan ugu dhawaaqdo.
Madaxweynaha Cusub iyo ku-xigeenkiisu waxay heleen boqolkiiba 63.92, musharxiintii Kulmiye ayaa helay boqolkiiba 34.81, halka Ucid ay heleen 0.74.
Doorashadan oo ay u diiwan gashanayeen in ka badan milyan iyo laba boqol oo kun waxa codkooda dhiibtay in ka badan lix boqol oo kun.
Warbixintan waxaa Hargeysa ka soo diray Khadar Maxamed Cakulle.
Your browser doesn’t support HTML5