Cabdiweli Muudey oo sheegay in laga hor-istaagay inuu tartamo

Cabdiweli Muudey

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya ee muddo xileedkiisu dhammaaday Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayaa sheegay in maamulka Koonfur Galbeed ay ka hor-istaageen safar uu ku tagi lahaa degmada Baraawe.

Muudeey ayaa sheegay inuu halkaas u tegi lahaa inuu u tartamo kursiga sumadiisu tahay HOP#145 ee Golaha Shacabka oo uu afartii sano ee la soo dhaafay ku matalayay beeshiisa.

Muudeey ayaa is-hortaaga lagu sameeyey ku tilmaay mid sharciga baal marsan.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Xasan Kaafi Qoyste.

Your browser doesn’t support HTML5

Cabdiweli Muudey oo sheegay in laga hor-istaagay inuu tartamo