C/laahi Axmed Caddow oo soo noqday safiirkii Somalia ee Maraykanka ayaa sheegay in haatan la gaaray xilligii dowladda KMG ee Somaaliya ay wadahadal la furi lahayd kooxda al-Shabaab.
Caddow wuxuu sheegay in awoodda al-Shabaab ay sii yaraanayso kaddib markii ay wiiqantay taageerrada dadku ay u hayeen kooxda al-Shabaab iyo waliba taageerrada ay kooxdu ka hesho caalamka.
C/laahi Caddow wuxuu dowladda KMG ugu baaqay inay la hadasho kooxda al-Shabaab, gaar ahaan Shabaabka Soomaalida si loo soo afjaro colaadda iyo dagaallada.
Dhageyso wareysiga C/laahi Caddow.