Ciidamada DFS iyo kuwa Jubaland oo ku dagaalamay Baardheere

Ciidamada

Kadib dagaal ay ku dhinteen 2 qof, ayna ku dhaawacmeen 16 qof oo saaka ka dhacay magaalada Baardheere, ayaa caawa magaalada laga dareemayaa deganaansho.

Xiisadda dagaalka ayaa u dhexeysa ciidamo kala taageersan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland. Dhinaca dowladda Soomaaliya, waxay sheegeen in dagaalkaasi ay kula wareegeen hub iyo maxaabiis, ayna haatan magaalada gacanta ku hayaan.

Dagaalkan ayaa imaanaya xilli magaaladaasi ay ka jirto dhibaatooyin xagga nolosha ah, iyadoo buundadii halbowlaha u ahayd isu socodka dadka, gaadiidka iyo xoolaha ay muddo ka badan sanad go’an tahay.

Sahra Cabdi Axmed ayaa khadka telefoonka kula xiriirtay guddoomiyaha degmadaasi ee dhinaca dowladda Soomaaliya, Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorrax, waxayna ugu horreyntii waydiisay xaalka magaalada sida uu yahay caawa kadib dagaalkii.

Your browser doesn’t support HTML5

Ciidamada DFS iyo kuwa Jubaland oo ku dagaalamay Baardheere