Ciidamada Somaliland iyo kooxda Gacan-Libaax oo isku dhacay

Ciidamada Somaliland

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa isa soo tarayey wararka sheegaya in rag hubaysan oo taabacsan Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland, oo ka biyo diiday go’aankii dhawaan ay guddiga doorashooyinka Somaliland ku sheegeen inay soo horeynayso doorashada ururadu, ay isku urursanayeen Buurta Gacan-Libaax.

Raggaa hubaysan ayaa la sheegay in ay isku dhaceen ciidamada ammaanka Somaliland. Inta la xaqiijiayay hal-askari ayaa ku dhintay kuwo kalena dhaawacyo ayaa soo gaadhay.

Warbixintan waxaa soo diray wariyaha VOA ee Hargeysa Khadar Maxamed Cakuulle.

Your browser doesn’t support HTML5

Ciidamada Somaliland iyo kooxda Gacan-Libaax oo isku dhacay