Ciidamadii Itoobiya oo soo galay Matabaan oo dib u laabtay

Ku dhawaad 5,000 oo askari oo Itoobiyaan ah, oo afar maalin ka hor ka soo talaabay xuduudda Soomaaliya, ayaan shalay dib ugu laabtay Ethiopia.

Ciidankaasi ayaa Jimcihi laga celiyay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Haddaba ujeedada ay u socdeen iyo meelihi ay tageen ayuu Cabdixakiim Shirwac ka wareystay wariyaha VOA-da ee magaalada Beledweyne, Xuseen Xasan Dhaqane.

Your browser doesn’t support HTML5

Ciidamadii Itoobiya oo soo galay Matabaan oo dib u laabtay