Senator Ted Cruz, ayaa codbixintii Jamhuuriga kaga adkaaday Donald Trump, halka Hillary Clinton ay iyaduna dhinaca Dimoqraadiga ka adkaatay Barnie Sanders.
Cruz, oo ah sharci dejiye muxaafad ah oo laga soo doorto gobolka Texas ayaa helay 28% codadka, Taasi oo 3.5% ka badan codadka uu helay Donald Trump, oo weli ah ninka ku horeeya codadka ra’yiga ee dalka oo idil.
Senator-ka gobolka Florida, Marco Rubio ayaa kaalinta saddexaad ku galay 23% codadka.
Dhinaca xisbiga dimoqraadiga, Clinton ayaa heshay 49.9% codadka, halka Bernie Sanders uu ka helay 49.5%.
Natiijooyinka codbixinta Iowa ayaa muuqaal guud ka bixinaya fikradaha iyo wax ay doonayaan codbixiyayaasha, kadib sanad ololeyn ahaa.
Gobolka xiga, ee codbixinta ay ka dhici doonto waa gobolka New Hampshire oo 9-ka February qabanaya tartanka musharaxiinta labada xisbia, waxaana illaa iyo hadda ku horeeya Donald Trump oo dhinaca Jamhuuriga ah iyo Bernie Sanders oo dimoqraadiga ah.