Cudurka shuban biyoodka oo 20 qof ku dilay Baraawe

Baraawe

In ka badan 20 qof ayaa u dhintay qaar kalena way la il daran yihiin xanuunka shuban biyoodka oo ka dillaacay magaalada Baraawe iyo tuulooyinka u dhow, sida uu VOA u sheegay guddoomiyaha hay’adda maareynta masiibooyinka Soomaaliya oo halkaasi gaaray.

Dadka ugu badan ee qaba xanuunka ayaa xaaladdooda lagula tacaalayaa isbitaalka magaalada Baraawe, iyadoo ay kordheyso tirada dadka ee shubanka uu soo ridanayo.

Gudoomiyaha hay’adda maareynta masiibooyinka ee Soomaaliya Maxamuud Macallin Cabdulle oo aan khadka teleefonka kula xiriirnay ayaa VOA uga warramay xaaladda shuban biyoodka ee ka dillaacay magaalada Baraawe.

Your browser doesn’t support HTML5

Cudurka shuban biyoodka oo 20 qof ku dilay Baraawe