Cumar Suleymaan oo Geeriyooday

  • Abdulaziz Osman

Cumar Suleyman, madaxii sirdoonka dalka Masar isla markaana ahaa lataliye sare u ahaa madaxweynihii hore ee Mubarak ayaa ku geeriyooday dalkan Maraykanka.

Cumar Suelysan, wuxuu ahaa 76 (lix iyo Toddobaatan) jir, wuxuuna sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Masaaridu u ku dhintay cisbitaal ku yaalla magaalada Cleveland ee dalka Maraykanka, wakaaladdu ma aysan bixin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan waxa dhimashadiisa sababay, laakiin shaqaale ku dhowaa Suleyman ayaa sheegay in cisbitaalkaasi lagu sameeyay baadhitaanno.


Cumar Suleyman ayaa loo magacaabay madaxweyne kuxigeen bilowgii kacdoonka ee sannadkii hore, kaddib markii uu muddo 20 sanno ku dhow uu ahaa madaxa sirdoonka dalkaasi.

Cumar ayaa isku dayay inuu u tartamo doorashadii madaxtinimo, balse loo diiday inuu isu soo taago, kadib markii uu ku guul-darreystay inuu helo saxiixayaal ku filan oo musharaxnimadiisa ku taageera.