Jigjiga —
Dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku nool magaalada Jigjiga ayaa kulan ay magaalada ku qabteen kaga hadlay xaaladdooda iyo baahiyaha ku gedaaman noloshooda.
Dadkan ayaa sheegay inay jiraan caqabado ka haysta nolosha maalinlaha ah, islamarkaana codsaday in dowladda hoose ay hoos u eegto.
Dhinaca kale, xafiiska arrimaha bulshada degaanka ayaa sheegay inay siiyaan tababaro xirfadaha kala duwan ah, si ay u helaan shaqo abuur billow ah.
Warbixin arrintan ku saabsan waxaa Jigjiga kasoo diray Maxamed Cabdiraxman Gaataa.
Your browser doesn’t support HTML5