Dadweyne careysan oo dibadbax rabshado wata ka dhigay Beledxaawo

Gedo

Wararka ka imanaya magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dadweyne careysan ay dab qabadsiiyeen xarunta maamulka degmada iyo gawaari halkaasi taalay.

Dadweynahan oo oogayay dibax bax rabshado wata ayaa ka careysan dhalliyaro la sheegay in hay’adaha Nabad-Sugidda ee maamulla ay xirxireen.

Ilaa iyo sadex qo ayaa la soo sheegayaa inay ku dhaawacmeen rabshadaha ka dhacay magaalada.

Wariyaha VOA-da uga soo waramaya gobolka Aaden Maxamed Salaad Aaden Kismaayo ayaa warbixintan kasoo diray Magaalada Kismaayo.

Your browser doesn’t support HTML5

Dadweyne careysan oo dibadbax rabshado wata ka dhigay Beledxaawo