Dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo ka dhacay Sh/Dhexe

Dagaal culus oo u dhaxeya dadka degaanka iyo ciidamada dowlada oo isku dhinac ah iyo malayshiyaadka Al-Shabaab ayaa saaka waabarigii ka dhacay degaanka Hilowle Gaab ee gobalka Shabellaha dhexe.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalkan uu bilowday qaraxyo is-miidaami ah oo lala eegtay saldhig ay leeyihiin ciidmada dowladda, iyadoo illaa hadda aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan.

Degaanka Hilowle Gaab oo dabayaaqadii bishii hore laga qabsaday Al-Shabaab ayaa ku yaalla xadka goblada Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud.

Warbixintan waxaa soo diray Xuseen Xasan Dhaqane.

Your browser doesn’t support HTML5

Dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo ka dhacay Sh/Dhexe