35 qof oo ku dhintay Dagaallada Somalia

In ka badan 35 qof ayaa ku dhintay Dagaallo cul-culus oo Muqdisho, Beledweyne, iyo Beledxaawo ku dhex maraya ciidamada DKMG ee Somalia iyo ururka Alshabaab

Dagaallo cul-culus ayaa magaalooyinka Muqdisho, Beledweyne, iyo Beledxaawo ku dhex maraya ciidamada DKMG ee Somalia iyo ururka Alshabaab.

Dagaalladan ayaa bilowday kaddib markii ciidamada DKMG oo kaashanaya kuwa AMISOM ay saaka weerareen qeybo ka tirsan degmooyinka Muqdisho.

Dowladda Somalia ayaa sheegtay in ciidamada Dowladda iyo kuwo AMISOM ayaa qabsadeen goobo ay ka mid yihiin wasaaraddii hore ee Gaashaandhiga, warshadda Caanaha iyo Shiirkallo.

In kabadan 20-meeyo qof oo ay ku jiraan kuwii dagaallamayay ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen dagaalladan.

Dhinaca kalena, ciidamo ka tirsan DKMG ayaa weeraro ku qaadey magaalada Beledweyne iyo degmada Beledxaawo. Rasaas iyo madaafiicda waa weyn ayaa laga maqlayay gudaha degmada Beledxaawo.

Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay dagaallo qaraar oo haatan ka socda duleedka magaalada Beledweyne.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegay inay fashiliyeen weeraro uga yimid dowladda, iyagoo dilay ilaa 6 askari.