Dastuurka Cusub: Cutubka 14aad Maaliyadda Guud

  • VOA Somali

CUTUBKA 14 AAD-MAALIYADDA GUUD

Qodobka 144aad-Mabaadi’da Maaliyadda Guud

Mabaadi’da asaasiga ah ee maamulka maaliyadda guud waxaa ka mid ah furfurnaan iyo laxisaabtan, in loogu isticmaalo dakhliga si caddaalad ku tilmaaman oo ay ku jirto horumarinta dalka iyo danta midnimada qaranka, lagana ilaaliyo dayaca.

Qodobka 145aad-Awoodaha Dakhli-uruurinta

  1. (1) Dawladda federaalku waxaay ka uruurin kartaa dakhli ilaha loogu qoondeeyey Jadwalka 2aad.

  2. (2) Xukuumadaha dawlad-goboleedyadu waxay dakhli ka uruurin karaan ilaha loogu qoondeeyey Jadwalka 2aad.

  3. (3) Xukuumada federaalku sharci ayay ugu oggolaanaysaa xukuumadaha dawlad- goboleedyada iyo

    dawladaha hoose in ay uruuriyaan canshuuro ama dakhli kale sida uu qabo sharcigaan, laakiin waa in Dawladda Federaalku u celisaa dawlad-goboleedyada kharajka uga baxay ururinta dakhligaas.

  4. (4) Dakhliga dawladda federaalka ay u soo xareeyaan xukuumadaha dawlad-goboleedyada ama dowladda hoose waa in ay u qaybisaa dawlad- goboleeddaa ama dawladda hoose, dhammaan ama qaybo ka mid ah intii suurtogal ah, si ay dhiiriggelin ugu noqoto dawladaasi in ay u soo xareyso dakhliga si waxtar leh.

  5. (5) Dawladda dhexe iyo xukuumadaha dawlad-goboleedyadu waa in ay si sharci ah ugu oggolaadaan dawladaha hoose in ay soo uruuriyaan, una kaydsadaan isticmaalkooda canshuuraha ku haboon sida khidmada shatiyada suuqyada, canshuurta dhismaha, IWM.

    Qodobka 146aad-Canshuur-soo-rogidda

Lama uruurin karo canshuur aysan oggolaan barlamaanka federaalku ama dawlad- goboleedda ay khuuseyso. Sharciga canshuuraha waa in si siman loogu dhaqo dadka oo dhan, lagamana cafinayo saraakiisha dawladda ama cid kale. Waa in sharci lagu oggolaado canshuur-dhaafka, laguna war-geliyaa Hantidhawrka Guud.

Qodobka 147aad-Noocyada Qaybinta Dakhliga Dawladda Federaalku Siiso Dawladaha Kale

  1. (1) Xukuumada federaalku dakhliga ay ka uruurisay ilaha qaranka waxay noqonayaan mid ay ku fuliso masuuliyadaheeda ama waxay u qaybinaysaa dawlad-goboleedyada ama dawladaha hoose ama waxay ka dhiganaysaa kayd qaran.

  2. (2) Xukuumadda federaalku waxay dakhliga ugu qaybineysaa dawlad-goboleedyada sida:

    1. (a) dakhli dawladahaas loogu qoondeeyey dastuurka ama sharci;

    2. (b) talada ay kusoo jeediyeen guddiga maaliyadda qaranka, ama

    3. (c) Deeqaha xukuumadda federaalka oo ay ka mid yihiin deeqaha sinaanshaha oo loogu talo-galay in kor loogu qado awoodda dawlad-goboleedyada aan lahayn awood dakhli- uruurin marka loo fiiriyo hawlaha adeeg ee ay u fulinayaan muwaaddiniintooda, si loo soo gaarsiiyo heerka adeegyada dawladaha kale.

(d) Dawladda Federaalka iyada oo maraysa dawlad- goboleedyada waxay dakhliga u qaybin kartaa dawladaha hoose si ay u gutaan hawlahooda, dawlad-goboleedyaduse iyaga ay si toos ugu qaybin kara dakhliga dawladaha hoose

Qodobka148aad-Mabaadi’da Hagaysa Qaybinta Lacagaha

Waa in la soo saaro sharci si caddalad ah loogu qaybinayo heerarka kala duwan ee xukuumadda dakhliga lagu soo uruuriyay magaca qaranka, iyadoo la tixgelinayo arimaha soo socda:

  1. (a) danta guud ee qaranka;

  2. (b) waajibaadka qaranka;

  3. (c) Masuuliyadaha heerarka kala duwan ee Dawladeed loogu xilsaaray Dastuurkan, dastuurrada dawlad-goboleedyada, shuruucda iyo barnaamijyada Dawladda federaalka iyo dawlad-goboleedyada;

  4. (d) haqabtirka baahida asaasiga ah ee dadweynaha;

  5. (e) baahida qorshaynta horumarka muddada dheer ee dalka;

  6. (f) sinnaan la’aanta dawlad-goboleed marka loo fiiriyo awoodooda dakhli-uruurineed;

  7. (g) baahida dawladaha in ay yeeshaan saadaal heer dakhli, si ay u qorshaystaan

    barnaamijyadooda;

  8. (h) Baahida in lagu dhiiriggeliyo xukuumadaha in ay si waxtar leh u soo uruuriyaan dakhliga;

  9. (i) baahida loo qabo in laga jawaabo xaaladaha degdegga ah iyo waxyaabaha aan la sii saadaalin.

    Qodobka 149aad-Amaahashada

Dawlad-goboleedyadu waxay amaahan karaan lacag marka ay ballanqaad ka haystaan Xukuumada Federaalka.

Qodobka150aad-Hanti Guud

Dhammaan dakhliga ay soo ururiso Dawladda federaalka ama dawlad-goboleedyada waa in lagu shubaa sanduuq lagu dhisay sharci islamarkaana ay maamulaan hay’adaha dowladda ee u xilsaaran, looguna isticmaalo ujeedooyinka lagu ogolaaday sharciga.

Qodobka 151aad-Qaybinta iyo Qoondaynta Dakhliga

U-qaybinta dakhliga federaalka dawlad-goboleedyada ee lagu xusay qodobka 147 waa in lagu saleeyaa Sharciga Qaybinta Sanadlaha ee Dakhliga Federaalka oo uu ansixiyey baarlamaanka federaalku.

Qodobka152aad-Miisaniyadda Sanadlaha ee Federaalka

Miisaaniyadda Sanadlaha ee Xukuumadda Federaalka waa in la hor-geeyaa Baarlamaanka Federaalka ugu yaraan ka hor laba bilood intuusan dhammaan sannad- maaliyadeedkii hore, waana in lagu ansixiyaa sharci uu soo saaray Baarlamaanka Federaalku.


Qodobka153aad-Kharaj Gelidda Ka Hor Ansixinta Barlamaanka ee Miisaaniyad Sanadeedka

Haddii aan la ansixin miisaaniyadda bilawga sanad-maaliyadeedka, waxaa la sii isticmaali karaa lacag, iyada oo lagu salaynayo miisaaniyadda sanadkii tegey. Lama bixin karo in ka badan rubuc miisaaniyaddii sanadkii tegey ama in aan ka badnayn 4 bilood oo ka mid ah sanad- maaliyadeedka cusub.

Qodobka 154aad-Kharajyada Lama-filaanka ah

Haddii ay lagama-maarmaan noqoto in la daboolo baahi kharaj aan la fileyn ee miisaaniyadda federaalka, xukuumadda federaalka ahi waxay bixin kartaa lacag, xataa haddii uusan jirin qodob ku cad miisaaniyadda la oggolaaday. Xadka ugu sarreeya ee habkaan lagu kharaj-garayn karaa wuxuu u dhigmaa 10% miisaaniyadda la oggolaaday. Waana in lagu weydiistaa baarlamaanka oggolaansho muddo bil gudaheed ah, isla markaana muddo saddex bilood gudahood kharajkaas lagu ogolaadaa sharci.

Qodobka 155aad-Xisaabaadka iyo Hanti-dhawrka Hay’adaha Dawladda

Dhammaan xisaabaadka hay’adaha dawladda heer kastoo ay yihiinba waa in ay baarta hay’adda madaxa bannaan ee Hantidhawrka Guud.

Qodobka 156aad-Heshiisyada Badeecadaha iyo Adeegyada

Qandaraasyada Dawladda ee badeecadaha iyo adeeggu waa in ay ahaadaan kuwa dadka u furan daahna furan.

Qodobka 157aad-Guddiga Maaliyadda

  1. (1) Waa in sharci lagu dhisaa guddi maaliyadeed oo ka kooban dad laga soo magacaabay heerqaran iyo heer dawlad-goboleed. Tirada uu ka kooban yahay guddiga maaliyadda waa in lagu oggolaado xeerka Golaha Wakiillada oo ay ansixiyeen ugu yaraan kalabbar oo bar ergada Goluhu.

  2. (2) Guddiga maaliyadda waa in uu leeyahay karti iyo dhaqale uu ku samayn karo cilmibaaris iyo qiimayn codsiyada ay soo gudbiyaan xukuumadaha dawlad-goboleedayada.

  3. (3) GuddigamaaliyadduwuxuukalataliyaaXukuumaddafederaalka:
    (a) Qaybta laga siinayo dawlad-goboleedyada canshuuraha laga soo uruuriyey heerka qaran, iyo

(b) Sida dawlad-goboleedyadu u wadaagayaan qoondada.

  1. (4) Guddiga maaliyaddu waa inuu markasta dib-u-eegis kusameeyo nidaamka dakhli-qaybinta, isla markaasna uu u soo jeediyo Dawladda federaalka talooyin lagu qaybinayo dakhliga muddo shan sano ah markiiba. Sidoo kale, wuxuu qabanayaa hawlaha uu u xilsaaro sharcigu.

  2. (5) Guddiga maaliyadda qaranku waa inuu tixgeliyaa mabaadi’da ku xusan qodobka129.

Qodobka 158aad-Guddiga Hanti-Dhawrka Madaxa Bannaan ee Federaalka /Hanti-dhowraha Guud

(1) Hanti-dhawrka Guud waxaa lagu magacaabayaa habraac sharci dejiyey kaa soo xaqiijinaaya madax bannaanida xafiiska.

  1. (2) Hantidhawraha guud waa in uu yahay qof aqoon iyo waayo’aragnimo u leh hawsha baaritaanka xisaabaadka.

  2. (3) Hanti-dhawraha guud waxaa xilka looga qaadi karaa si caddaalad ah, iyadoo la raacayo hannaan baaritaan oo cadaalad ah.

  3. (4) Waajibaadka waajibaadka hanta-dhawrka madaxabannaan ee federaalka/Hanti-dhawraha guud waa in uu ku sameeyo baaritaan sanadeed dhammaan xisaabaadka hay’adaha Dawladda heer kasta oo ay yihiin.

  4. (5) Hanti dhawraha guud waa inuu baarlamaanka warbixin ugudbiyaa sanadkiiba mar.

    Qodobka 159aad-Bangiga Dhexe

Waa in sharci federaal ah lagu dhisaa Bankiga Dhexe ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya. Hawshiisu waxay ahaanaysaa hawlaha caadiga ah ee ay qabtaan Bankiyada Dhexe.

Qodobka 160aad-Khayraadka Dalka

Mabaadi’da ilaalinta khayraadka iyo qaybinta dakhliga ka soo xerooda ilaha khayraadkaas, kuwa dabiicigaa iyo kuwa kalaba waa:

  1. (a) In dadka degaanka la siiyo dhiiriggelin ay ku ilaaliyaan, kuna maamulaan kheyraadka dabiiciga ah si masuuliyadi ku jirto.

  2. (b) In xukuumadaha heer kastaa ay haystaan dhiiriggelin iyo dhaqaale lagu horumariyo, laguna fuliyo siyaasadaha maamulka kheyraadka aan la cusbooneysiin karin, iyo in sida ugu habboon looga fa’iideysto kheyraadkaas.

  3. (c) Bulshada qaybaheeda ka faa’ideysata kheyraadka dabiicga ah waa in loo xilsaaraa xannaanaynta, maaraynta iyo ka-faa’ideysiga kheyraadkaas.

    Qodobka 161aad- SharcidDejinta Federaalka ee Arrimaha Maaliyadeed

Waa in sharci federaal ah lagu soo saaraa heykal maamul-maaliyadeed oo masuuliyadihiisa ay ka mid yihiin:

  1. (a) Habka loo soo bandhigo miisaaniyadda dawlad-goboleedda iyo jadwalka habraaca miisaaniyad-samaynta dawlad-goboleedyada;

  2. (b) In ay damaanad-qaad siiso Dawlada Federaalka deymaha ay soo weyddiistaan dawlad- goboleedyada;

  3. (c) Habraaca Dawladdu u marayso Qandaraasyada Guud;

  4. (d) Baarista xisaabaadka hay’adaha aan dawliga ahayn ee dawladda dhaqaale ka hela;

  5. (e) Tallaabooyinka guud ee lagma-maarmaanka u ah dhaqangelinta cutubkaan.