Dhallinyarada Mudug oo isku dayaya in xal u helaan colaadaha qabaa'ilka

Gaalkacyo

Dhallinyarada ku dhaqan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegay inay kaalin wanaagsan ka qaataan dadaallada nabadda ee lagu doonayo in lagu joojiyo colaadaha qabaa’iilka oo muddooyinkii u dambeeyay kusoo noqnoqday gobolka, kuwaasi oo dad badan ay ku dhinteen.

Guddoomiyaha madasha nabadda iyo is dhaxgalka gobolka Mudug Maxamed Sheekh Saciid ayaa VOA u sheegay in kaalintooda ugu weyn ee daminta colaadaha ay tahay dhisidda kalsoonida bulshada dhexdeeda ah, ka wacyi gelinta heer kulka qabyaaladda iyo la-dagaallanka jahliga oo uu tilmaamay inay qeyb ka tahay isku dhacyada hubeysan.

Maxamed Saciid oo u warramay wariyaha VOA-da Cabdiwaaxid Macallin Isxaaq ayaa bogaadiyay kulankii looga hadlayay iskaashiga nabadda ee gobolka Mudug oo Sabtidii Gaalkacyo ugu soo dhamaaday maamullada Puntland iyo Galmudug oo magaaladaasi ay qeybsan tahay.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhallinyarada Mudug oo isku dayaya in xal u helaan colaadaha qabaa'ilka