Dhallinyaro Soomaali ah oo ku xiran dalka Niger oo la hadlay VOA

Dhallinyaro ku xiran xabsi ku yaalla dalka Niger oo la soo xiriiray idaacadda VOA ayaa sheegay in muddo shan bilood ah u xiran yihiin dambi ah waraaqo been abuur ah oo lagu qabtay.

Dhallinyaradan ayaa sheegay in mukhalaskii u sameeyay waraaqaha uu u sheegay in waraaqahu ay saxan yihiin oo uu u maray hannaan sharci ah, balse ay dowladdu u sheegtay in aanay sax ahayn.

Dhallinyaradan ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in ay gacan u fidiso si looga sii daayo xabsiga ay ku jiraan.

Xamse Cabdi Xuseen oo dhallinyaradaasi ka mid ah ayaa Caasho Ibrahim Aden uga warramay xaaladdooda.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhallinyaro Soomaali ah oo ku xiran dalka Niger oo la hadlay VOA