Dibad-baxyo looga cabanayo biyo la'aan oo ka dhacay Gaarisa

Dad badan oo dibabaxyo dhigayey ayaa xiray waddooyinka magaalada Gaarisa ayaga oo ka cabanaya biyo yari ka jirta lixda xaafad ee ugu weyn magaalada Gaarisa.

Wasaaradda biyaha maamulka Gaarisa ayaa sheegtay in sanadkan wax qorsha ah aysan u haynin xaafadaha lixda ah ee banaan-baxyada ay ka dhaceen, waxayna sheegtay inay qorshaha dowladda ku darsan doonto sanadka soo socda.

Warbixintan waxaa soo diray Maxamed Faarax Shire.

Your browser doesn’t support HTML5

Dibad-baxyo looga cabanayo biyo la'aan oo ka dhacay Gaarisa