Bannaanbax looga soo horjeedo is-afgaradka ay 1-dii bishan Janaayo magaalada Addis Ababa ku gaareen dawladda Itoobiya iyo Somaliland ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Is-afgaradka ayaa Somaliland ay ku sheegtay inay marin-badeed 20km ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand u fidinayso aqoonsi, sida uu sheegay madaxwyenaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Cabdi. Is-afgaradkan waxaa kasoo horjeestay dawladda federaalka ee Soomaaliya.
Warbixintan waxaa Muqdishu inooga soo dirtay Seynab Abuukar.
Your browser doesn’t support HTML5