Diyaarad u kiraysnayd QM iyo shaqaale la socday oo u gacan galay Al-Shabaab

UN

Wararka ka imanaya gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in diyaarad helikobar ah oo u kiraysnayd Qaramada Midoobay ay ku degtay degaan u dhow Xiindheere oo ka tirsan gobolka Galguduud.

Degaanka ay ku degtay ayaa waxaa ka taliya ururka al-Shabaab, waxaana dhowr ilo-wareed oo degaanka iyo saraakiil kaleba u sheegeen VOA in diyaaradda iyo shaqaalaha la socday ay u gacan galeen ururka Al-Shabaab.

VOA waxay isku dayday inay la xiriirto Qaramada Midoobay, ilaa haatanse kama soo jawaabin su’aalihii aa ka weydiinay dhacdadan.

Mas’uuliyiin degaanka ah ayaa VOA u sheegay in diyaaraddu ay cillad soo sheegtay, kadibna ay degtay meel u dhow degaankaas oo ay weli ku sugan yihiin al-Shabaab.

Illaa hadda ma cadda tirada saxda ah ee shaqaalaha iyo rakaabka saarnaa diyaaradda. Mid ka mid ah mas’uuliyiinta ayaa u sheegay VOA inay la socdeen lix qof, halka ilo wareed kale uu sheegay inay saarnaayeen sagaal qof.

Diyaaraddan ayaa mas’uuliyiintu sheegeen inay ka kacday magaalada Beledweyne ayna u socotay Wisil oo ka tirsan Mudug.

Diyaaradda ayaa waxay u shaqaynaysay xafiiska UNSOS ee tasiilaadka u fidiya hawlgalka Midowga Arika, dawladda federaalka Soomaaliya iyo weliba xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, tasiilaadkaas oo ay ka mid yihiin duulimaadyada gudaha.

Haddaba wararkan ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay mid ka mid ah mas’uuliyiinta gobollada dhexe ee Soomaaliya oo ah gudodomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame.

Your browser doesn’t support HTML5

Diyaarad u kiraysnayd QM iyo shaqaale la socday oo u gacan galay Al-Shabaab