DKMG iyo Xisbul-Islam oo ka hadlay raafka Kenya

  • Abdulaziz Osman

Soomalida degan Eastleigh

Wasiirka arr. dibeda Axmed Jangali ayaa ka codsaday Kenya inay kala soocdo dadka ay qabanayso. Xisbul-Islam iyaguna way canbaareeyeen

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee DKMG Axmed Jaamac Cali Jangali ayaa ka codsaday xukuumadda inay kala soocdo dadka Somalida ee ay qab-qabanayso, oo u kala qeybsan masuuliyiin, ganacsato, qaxooti iyo kuwo danbiilayaal noqon kara.

Wasiirku,wuxuu sheegay inay dowladiisa meel ka dhac ku tahay qab-qabashada mas'uuliyiinta dowladda Somalia ee Kenya, wuxuuna ku tilmaamay inay tahay talaabo qaldan oo loo baahan yahay in la saxo. Jangali wuxuu sheegay in sharciyada caalamku aanay dhigeen in mas'uul dowlad ka tirsan xabsi la dhigo, balse taa badalkeeda ay haboon tahay in mas'uulkaasi lagu amro inuu dalka ka baxo. Wasiirka Arrimaha Dibedda Somalia, wuxuu sheegay in labada dowladood ee Kenya iyo Somalia ay haatan xiriir ka leeyihiin sidii loo sixi lahaa qaladaadkaasi dhacay.

Dhinaca kalena, ururka Xisbul-Islam ayaa afhayeenkoodu Maxamed Macalin wuxuu canbaareyn u soo jeediyay falalka lagu qab-qabanayo Soomaalida degan Kenya. Afhayeenku wuxuu carabka ku dhuftay in arrintaasi ay tahay wax laga xumaado oo waxyeelanaysa karaamada dadka Somalida.

Dhinaca kalena, xubin ka tirsan Guddiga xuquuqda Aadanaha ee dalka Kenya, Faadumo Ibrahim Cali ayaa canbaareysay qaabka loo qab-qabtay Soomaalida, waxayna ku tilmaamtay tacadiyo foolxun oo ay ku kaceen ciidamada Bileyku. Faadumo waxay sheegtay in guddigoodu ay bilaabi doonaan baadhitaan la xiriira raafkaasi.

Wareysiyadda iyo warbixinta la xiriirta warkan qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.