Donald Trump - Siyaasi aan la joojin karin

Donald Trump waxa uu hadda ka hor ku faanay “inuu waxa uu doono sameyn karo,” taasi oo qeexday ololihiisii koowaad ee doorashadii uu ku guuleystay 2016 – isaga oo sheegay inuu qof ku toogan karo Waddada 5th Avenue ee New York, haddana oo aanu lumineyn xitaa hal cod.

Sideed sano kadib, madaxweynaha soo socda ee 47-aad ee Mareykanka, wuxuu u muuqdaa nin aan la joojin karin, isaga oo ku guuleystay furayaasha Aqalka Cad Arbacada maanta ah.

Waa ninka ugu muranka badan dalka, isagoo si dirqi ah uga badbaaday isku day dil, waxaana isaga oo 78 jir ah uu noqonayaa qofkii ugu da'da weyn ee qabta Xafiiska Oval Office taariikhda Mareykanka. Madaxweyne ku xigeenkiisa, oo 40 jir ah Sen. JD Vance oo laga soo doorto Ohio, ayaa noqon doona qofka xilkii ugu sarreeyey ka qabta Mareykanka ee ka tiirsan jiilka mileeniyaalka.

Taasina, waa inta aan lagu daran in Trump uu damaanad banaanka ugu joogo saddex dacwad dambiyeed iyo kuwa madani oo la xiriira khiyaameyn iyo xadgdub galmo.

Inkasta oo uu guuleystay, waxa uu haddana wajahayaa xukun maxkamadeed dhowr toddobaad gudahood ah, kuwaas oo la xiriira saddex daraasin oo dambiyo ah oo la xiriira ololihiisii madaxtinimada ee 2016-ka.

Sidaas oo ay tahayna, isaga oo ka adkaaday musharaxa Dimoqraadiga Kamala Harris, Trump waxa uu mar kale muujiyay inuu beenin karo dhammaan culeysyada siyaasadeed iyo sharci.

Dad badan ayaa u haystay in markan uusan awoodi doonin. Balse waxa uu Arbacada maanta ah noqday kaliya madaxweynihii labaad ee inta xafiiska laga tuuro, mar kale soo tartama ee guuleysta.

Trump oo ka dhashay qoys maal-qabeen ah, islamarkaana ku taajiray ganacsiga hantida ma guurtada ah, ayaa dunida ka yaabiyey isaga oo doorashadii 2016 si dirqi ah uga guuleystay Hillary Clinton.

Trump waa madaxweyne hore kii ugu horreeyay ee ku soo noqda awoodda tan iyo markii Grover Cleveland uu dib u helay Aqalka Cad doorashadii 1892-kii. Sidoo kale, waa qofkii ugu horeeyay ee lagu helo dambi culus ee haddana loo doorto madaxweyne.

Ka hor inta uusan fuulin liftiga dahabka ah ee dabaqa Trump Tower ee New York si uu ugu dhawaaqo musharaxnimadiisa Aqalka Cad ee 2016, Trump waxaa aad loogu yaqaanay inuu ahaa shaqsi ka soo muuqda taleefishinada.

Waxa uu ku caan baxay musalsal taleefishinka ka baxa oo la oran jiran "The Apprentice,” iyo inuu dhisi jiray saraha dadka dabaqadda sare iyo goobaha loo dalxiiska tago, halka xaaskiisa Melania Trump ay aheyd model.

Dib u doorashada Trump ayaa meesha ka saari karta dhammaan caqabadaha sharci ee uu wajahayo, isaga oo adeegsanaya awoodda xasaanadda madaxweyne.

Wuxuu sidoo kale cafin karaa maxaabiista kale, halka uu eryi karo dacwad-oogayaasha federaalka, isaga oo taageero ku helaya maxkamadda sare oo ay ku xooggan yihiin xulufadiisa.

Intii uu xafiiska joogay muddo xileedkiisii koowaad, Trump waxa uu beddelay dhaqan kasta oo siyaasadeed oo Mareykanka uu lahaa, oo ay ugu weyneyd inuu fogeeyey saaxiibada gaashaanbuurta NATO.

Suxufiyiinta ayuu ka dhigtay “cadowga koowaad ee dadweynaha” ereygaas oo markii dambe uu u beddelay “cadowga nagu dhex jira.”

Saaxada siyaasadda caalamka, Trump wuxuu weeraray dalal saaxiibo la ahaa Mareykanka, sida Kuuriyada Koonfureed iyo Jarmalka oo uu ku sheegay “inay jabsanayaan,” Mareykanka.

Taas beddelkeeda wuxuu amaanay hoggaamiyayaasha dalal cadowga Mareykanka ah, sida madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un.

Wax ay ahaataba, dib u doorashada Trump ayaa xaqiijineysaa afar sano oo hubanti la’aan ah, sababtoo ah cidna ma saadaalin karta waxa uu Trump sameyn doono maalinka xiga.

Warbixintan oo cod ah hoos ka dhageyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Donald Trump - Siyaasi aan la joojin karin

AP, AFP