Doorashada Trump oo fursad cusub u ah Erdogan

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, waxa ay mararka qaarkood is khilaafaan hoggaamiyeyaasha reer galbeedka, laakiin ma qarin waxa uu ku sheegay in uu si diirran ula macaamilo madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump, xilligii hore ee uu madaxweynaha ahaa.

Dadka dusha kala socda arrimahan ayaa sheegaya in uu hadda u arkayo xiriirkaas diirran fursad uu ku soo afjaro iska horimaadyada gobolka, laakiin sidoo kale inuu weydiisto iskaashi weyn oo Mareykanka uu la yeesho oo ka dhan ah gooni-goosadka Kurdiyiinta.

Drian Jones ayaa warbixintan Istanbul ka soo diray, Falastiin Axmed Iimaan ayaa soo jeedineysa.

Your browser doesn’t support HTML5

Doorashada Trump oo fursad cusub u ah Erdogan