Doorashooyinka Somaliland oo la mudeeyey

Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa goor dhaweyd soo saaray go’aanka doorashooyinka iyagoo sheegay inay doorashada koowaad noqonayso doorashada ururada taasi oo ay ku mudeeyeen inay dhacdo 28-ka bisha December ee sanadkan 2023.

Doorashada labaad ee ay mudeeyeen guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa ah doorashada madaxweynaha taasi oo ay ku mudeeyeen inay dhacdo 13-ka November sanadka 2024 ka.

Go’aankan ay guddiga doorashooyinka Somaliland maanta ku dhawaaqeen ayaa ka danbeeyey kulamo iyo wadatshiyo ay maalmihii u danbeeyey la lahaayeen daneeyayaasha siyaasada sida xisbiyada, ururada bulshada rayidka ah iyo madax dhaqameedka Somaliland.

Faah-faahinta warkan, waxaa soo diray Khadar Maxamed Cakulle.

Your browser doesn’t support HTML5

Doorashooyinka Somaliland oo la mudeeyey