Dowladda Soomaliya ayaa sheegatay in inka badan 100 Al-shabaab ah lagu dilay dagaalkii shalay ilaa xalay ka socda Mudug, iyada oo dhinaca kale saraakiil ka tirsan Galmudug oo diiday in magacooda la sheego ay VOA u xaqiijiyay in kabadan 40 ka tirsan ciidmada Galmudug oo ay ku jiraan laba sarkaal lagu dilay dagaalkaas.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Dauud Aweys Jaamac oo maanta shir ja’raa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladdu ay dagaaladaas guulo ku gaartay.
Seynab Abuukar ayaa warbixintan Muqdisho ka soo dirtay.
Your browser doesn’t support HTML5
Dhinaca kale, xaaladda deegaanka Shabeellow ee Gobolka Mudug ayaa maanta degan, kaddib markii halkaasi ay shalay ka dhaceen dagaallo dhimasho badan dhaliyay oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo kooxda al-Shabaab.
Wariyaha VOAda Falastiin Axmed Iimaan ayaa dagaalkaasi wax ka weydiisay, wasiirka Amniga ee Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Aaden ( Gaboobe. )
Waxayna ugu horeyn weydiisan khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkii shalay dhacay?
Your browser doesn’t support HTML5