Dawladda Soomaaliya ayaa maanta ku dhowaaqay xarun cusub oo qaabilsan cilmi-baarista iyo ka hortagga xagjirnimada.
Xaruntan cusub ayaa dawladdu u bixisya Tubsan National Center, waxaana shaaciyey maanta xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabid Barre.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u magacaabay inuu xarunta Agaaisme ka noqdo Cabdullahai Maxamed Nuur oo horey usoo nqoday Wasiirka Amniga Gudaha xilligii dawladdi Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Roobkle. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa Agaaisme Xigeenka u magacaabay Ibraahim Aadan Nadaarada oo sannadkii 2016-ka kasoo goostay ururka al-Shabaab, kana mid ahaa la-taliyayaasha Ra’iisul Wasaare Xamse.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in xaruntan cusub ay ka mid noqon doongto hay’adaha dawladda, ayna mas’uul ka noqon doonto ka hortagga fikaradaha xagjirnimada iyo gacan ka hadalka ku salaysan.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sannadkii hore markii xilka loo doortay ku dhowaaqay inuu qaabab hore leh ula dagaalamayo al-Shabaab, taasi oo aan ku koobnayn dagaalka milatariga ah, balse ay ku jiraan dagaalka dhinaca dhaqaalaha iyo fikirka.