Dowladda Federaalka oo sheegatay dilka 40 ka mid ah maleeshiyada Al-shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in 40 ka mid ah maleeshiyada Al-shabaab lagu dilay howlgal ay deegaanno hoostaga degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose ka sameeyeen Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Jubaland oo kaashanaya saaxiibada caalamka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dowladda.

"Hawlgalka oo dhacay saddex jeer oo kala duwan waxaa lagu beegsaday goob ay kooxaha Khawaarijta isku soo uruursadeen. Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in ilaa iyo 40 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta lagu dilay hawlgalkaasi." ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka dowladda.

VOA si madax-bannaan uma xaqiijin tirada dhimashada ay sheegatay dowladda Soomaaliya.