Heshiis Dhex Maray DF Iyo M/Goboleedyada

Waxyaabaha la isku afgartay ayaa waxaa ka mid ah in la dhiso guddi gaar ah oo soo diyaariya habka qeyraadka dalka loo qeybsanayo.

Kulankii magaalada Muqdisho uga socdey madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu kala saxiixdey is-faham horudhac oo ah habka wadaaga qeyraadka dalka.

Waxaa heshiiska wada gaaray wasiirka batroolka xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mukhaar Ibraahim iyo Wasiirradda Batroolka iyo Tamarta ee Maamullada Puntland, Jubbaland, Koofur-galbeed iyo Galmudug.

Go’aanada kasoo baxay kullanka ayaa waxaa ka mid ah in la sameeyo aragti siyaasadeed oo mideysan kuna aadan arrimaha macdanta iyo shidaalka Soomaaliya.

Waxaa kulankaasi lagu gaarey in la dhiso guddi gaar ah oo soo gardaadiya isku afgaradka habka qeyraadka dalka loo qeybsanayo.

Guddigan ayaa haysta muddo bil ah oo ay dhinacyadu is afgarad ka gaarayaan arrinka.

Sahra Cabdi Axmed oo VOA ka tirsan ayaa arrintan ka wareystey wasiirka Patroolka iyo qeyraadka Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo dhanka dowlada u saxiixey heshiiskan.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso wareysiga wasiirka batroolka