Dowladda Jabuuti iyo Bankiga Salaam oo heshiis kala saxiixday

Dowladda Jabuuti ayaa bankiga Soomaliyeed ee Salaam la gaartay heshiis uu bankiga ku maalgalinayo dhismaha jidadka waaweyn ee isku xira dekadaha Jabuuti ilaa xuduudda Itoobiya.

Jidkan oo kan ugu ballaaran uguna dheer ee inta badan ay badeecaddha u maraan dalka Itoobiya ayey dib u dhiskiisa wax weyn ka tari doonta fudeydinta isu socodka baabuurta xamuulka ee habeen iyo maalin isaga kala goosha labada dal.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle ayaa xalay ku qaabiley xafiiskiisa rai’sal wasaarihi hore ee dalka Britain Tony Blair oo hor kacayey xubno ka tirsan machadka uu madaxda ka yahay ee Tony Blair Institute.

Faahfaahinta wararkan waxaa noo soo diray Ramadaan Muuse.

Your browser doesn’t support HTML5

Dowladda Jabuuti iyo Bankiga Salaam oo heshiis kala saxiixday