Dowladda oo Dejisay Hab Maaliyadeed Cusub

Bankiga Dhexe ee Somalia

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Maxamd Aadan Farageeti oo wareysi siiyey VOA-da, ayaa sheegay in hannaankan cusub uu ka hortagayo in musuq-maasuq ama wax is-daba marin maaliyadeed la sameeyo.

Wasaaradda Maaliyada ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay isbeddello ku samaysay dhinaca maamulka maaliyadda ayna soo kordhisay hannaan lagula soconayo dakhliga soo gala iyo kharashaadka ka baxa dowladda.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Maxamd Aadan Farageeti oo wareysi siiyey VOA-da, ayaa sheegay in hannaankan cusub uu ka hortagayo in musuq-maasuq ama wax is-daba marin maaliyadeed la sameeyo.

Waxa uu sheegay in dhammaan ilaha dhaqaalaha dowladda Soomaaliya ay geeyeen barnaamijkan, islamarkaana daqli kasta oo soo galay dowladda lasoo mariyo hannaankan, taasi oo caddeyneysa dhamaan lacagaha soo galay dowladda.

Waxa uu ku warramay in si taa la mid ah ay sidoo kale in dhammaan codsi kasta oo maaliyadeed oo ka yimaada hay’adaha dowladda Soomaaliya, lagu soo gudbiyo barnaamijkan, taasi oo sahleysa in lala socdo dhamaman daqliga soo gala dowladda Soomaaliya.

Maxamed Aadan fargeeti, ayaa sheegay in hannanakani uu dhiirigeliyey Bankiga Adduunka. Cabdiraxmana Xuseen Furre ayaa wareystay wasiirka.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Maxamed Aadan Fargeeti