Dowladda oo sheegatay dilka 43 Shabaab oo ay ku jiraan ajaaniib

Al-Shabab Al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerar duqeyn ah oo 16-kii bishan lagu qaaday goob ay ku shirayeen saraakiil ka tirsan al-Shabaab ay ku dhinteen 43 ka ka tirsan al-Shabaab, oo ay ku jireen laba sarkaal oo sare.

Weerarka ayey dowladdu sheegtay inuu ka dhacay duleedka degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

War ka soo baxay dowladda ayaa lagu yiri weerarkan, oo duqeyn cirka ah ahaa oo ay iska kaashadeen Soomaaliya saaxibadeeda caalamiga ah lagu dilay Aden Abdirahman Aden iyo Idiris Abdirahim Nur, oo asal ahaan ka soo jeeda Kenya oo ka mid ahaa saraakiisha muhiimka ah ee Al-Shabaab.

Wariyaha VOA-da Xassan Kaafi Qoyste ayaa warbixintan kasoo diray Muqdisho.

Your browser doesn’t support HTML5

Dowladda oo sheegatay dilka 43 Shabaab oo ay ku jiraan ajaaniib